Sawirro: Gabar Soomaali Ah Oo Kasoo Dhex Muuqatay Arooska Amiir Harry Iyo Megham

Standard

C8B05D28-96CC-410F-A8FA-5C52AD9AE9BESawirro: Gabar Soomaali Ah Oo Kasoo Dhex Muuqatay Arooska Amiir Harry Iyo Megham
May 20, 2018

Xafladda arooska wiilka ay ayeeyada u tahay boqorada Ingiriiska ee Amiir Harry iyo Megham Markle ee Sabtidii ka dhacay qasriga Windsor ee duleedka London ayaa dadkii lagu casuumay ee nasiibka u yeeshay ka mid aheyd gabadha Soomaaliyeed ee u dhexda jilaaga caanka ah ee Idris Elba, taasoo lagu magacaabo Sabrina Dhoore.

Xaflada arooska oo aheyd mid aan mudooyinkaan la arag ayaa dadka isugu tagay magaalada Windsor waxa ay gaarayaan illaa 100 kun qof, halka waraaqaha casuumaadda loo direy 600 qof iyo 200 kale oo dheeraad ah oo saaxiibadda lammaanaha ah

7F7E5EA7-2118-492C-B7A4-192823BCAADCImise qarasha ayaa ku baxday xafladda?

Bog internetka ah oo ku hawlan qabanqaabada arrimaha aroosyada oo lagu magacaabo Bridebook ayaa lagu sheegay in arrooskan ay ku kici karto lacag dhan £32m.

Toortaha oo kaliya lacagtiisa £50,000, halka ubaxa la iibiyo £110,000 , cuntada kalena ay dhantahay £286,000.

697517C3-FEE8-4FEC-8655-40E9FD4F549DYaa bixinaayo qarashka?

Qarashka amniga ku baxaya waxaa caadiyan bixiya dadka canshuurta dhiiba.

Balse qoyska boqortooyada waxa ay sheegeen in ay iyagu bixinayaan alaabta arooska, taas oo ay ka bixinayaa miisaaniyada sanadlaha ee qoyskan laga siiyo qasnadda dowladda.

Sanadkan miisaaniyadda waxa ay dhanayd £82m.

Waxaase jira qarashyo kale oo qoyska kasoo gala ganacsiyo iyo maalgashiyo kala duwan oo ay leeyihiin.

6BFC3639-A1F4-4437-8174-AFE5B0013F76D707B642-68EB-4859-AB5C-D43D7140BB942E0B0B3E-B567-4E5E-9B7C-0A814782D389CBCAA533-C0E1-4178-ADC4-82FF456544BDBD7BEF87-286F-4133-B4B6-EFFA688CB26E

Advertisements