Shibeey…shib ayaa la soo deristay maamul u sameynta Sh/dhexe iyo Hiiraan!

image9.jpg
Standard

imageSomaliaNewsRoom -Saddex (3) toddobaad ka hor ayaa si rasmi ah loo shaaciyay in gabi ahaanba la hakiyay arimihii isku darka gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan, go’aan ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa lagu cadeeyay inuu dib u dhacay qorshihii lagu unkayay Mataaneynta dhinacyadaasi, Wasiiradii, Xildhibaanadi iyo Siyaasiyiintii xiiseynaysay horey u socodka hawshaasi ayaa waqtigaan si iskood ah uga caajisay arintaasi, mashquul waxaa lagu wada noqday Mooshinka dhanka ka ah Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo gabi ahaanba daaqda ka saaray hamigi ku saleysnaa sidii loo Federaaleyn lahaa labadaasi gobol ee dariska ah.

Xubno ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maalmihi la soo dhaafay si kala gooni-gooni ah u booqday Magaalooyinka Jowhar iyo Balad-weyne, socdaalka Mudanayaashaasi ayaa lagu macneeyay inuu gogol xaar u yahay qabashada Shirweynaha lagu yagleelayo sidii ay Maamul goboleed u yeelan lahaayeen Sh/Dhexe iyo Hiiraan, kulamo la isku xog wareysanayay ayay Xildhibanadaasi la qaateen bulshada Magaalooyinkii ay tageen, midkoodna sooma hadal qaadin sababaha loo joojiyay ku tala galkii ahaa in Maamul loo dhiso deegaanadaasi.
Kala aragti duwanaansho u dhaxeeya Gudoomiyaasha 2-Gobol ayaa dhawr jeer oo is xig-xigta laga maqlay qalabka Warbaahinta, Gudomiyaha G/Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Axmed ayaa marar kala duwan ku faanay in Magaalada B/weyne ay nasiib u yeelatay iney marti galiso shir weynaha ay kula mataanoobeyso dhigeeda Jowhar, hase yeeshee hadalkaasi waxaa lugta ku dhuftay Gudoomiyaha G/Sh/Dhexe, hadal uu Saxaafadda siiyay Cali Xuseen Guudlaawe ayaa lagu cadeeyay in Gudoomiyaha Hiiraan uu ku fududaaday warka ka soo baxay, isagoo ku cel- celiyay inaaney jirin Magaalo la isku raacay oo lagu qabanayo shirkaasi.SHABEELAHA
Waxgarad badan oo ku abtirsada labadaasi Gobol ayaa walaac aad u badan ka muujinaya sida ay Dawladda Soomaaliya uga gaabisay dadajinta Dawlad Goboleedkii ay dadkooda yeelan lahaayeen, eedo culus oo ku qotoma iney Dawladdda Dhexe lugta jiideyso arimaha Goboladaasi ayaa loo jeediyay Xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Shar-ma-arke, banaanka waxaa la soo dhigay tuhun ah iney Dawladda Federaalka Goboladaan u jecleyn sidii ay u jecleyd dhismihii Dawlad Goboleedka Gal-mudug.
Lama oga cidna kama war qabta goorta dib loo bilaabayo wada xaajoodkii lagu soo xulayay Gudiyaddi Farsamada ee Hogaamin lahaa dhismaha Maamul Goboleedyadaasi, suura gal ma aha iney wada xaajoodyadaasi bilowdaan tan iyo inta xal looga helayo Qalalaasaha Siyaasdeed ee u dhaxeeya Hay’adaha Dastuuriga ah ee Qaranka, ma yara niyad jabka ka muuqda dadka ku dhaqan dhulalkaasi, Farxadii, Yididiiladii iyo Hankii ay qabeen ummaddaasi haatan hoos ayuu u dhacay, mar walba oo ay bulshadu kulanto waxa ugu weyn ee la is weydiiyo ayaa ah goormaa loo soo qalab qaadanayaa dhismaha dawlad goboleedkii loo balan qaaday Gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan.
Shibeey….Shib….Shib ayaa la soo gudboonaatay rajadii ay qabeen shacbiga goboladaasi, inkastoo ay Dawladdu joojisay adeegyadii Siyaasadeed iyo kuwii Maamul ee goboladaasi ayaa haddana Magaalooyinka Jowhar iyo B/weyne waxaa si xawli leh uga kala socda Diyaar garow, Qurxin, Dhismayaal Cusub iyo Tabaabusho ay mid walba ku dooneyso iney ku marti galiso shir weynaha la qabanayo, ruux kasta oo ka tirsan reer Sh/Dhexe iyo reer Hiiraan wuxuu niyada ku hayaa oo laabtiisa ku xardhan in maalin uun ay dibadda u soo bixi doonto Dawlad Goboleed ay leeyihiin Goboladaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s